DFS oo ku baaqday Dibadbaxyo ka dhan ah Damaca Itoobiya ee Baddeena

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaq ay soo jeediyeen ururrada bulshada, kaas oo ay ku dalbanayeen in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan baxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay ayideyso baaqaasi, isla markaana maalinta khamiista ah la iskugu soo boxo gobolada dalka si looga hortago damaca ay Itoobiya ku raadinayso Badda Soomaliya.

Dowlada Soomaliya , Madaxda Maamulada dalka iyo shacabka Soomaliyeed ayaa si weyn uga horyimd Hishiiskii ay dhawaan Soomaliland la gashay Itoobiya ee ku saabsanaa Badda

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed