DFS oo ka tacsiyeeysay geerida Madaxweynihii Iraan

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay uga hadashay shilka diyaarad ee uu ku geeriyooday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamka ah Iiraan Ibraahim Ra’iisi waxaana la dhintay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Dalkaas iyo mas’uuliyiin kale oo la socotay.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka ay tacsi u dirayso dhiggeeda Tehran oo ay ka geeriyoodeen Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi, Wasirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdolahian & xubno kale.

Dalal badan ayaa tacsi u diray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxaana ay dhinaca kale Waddamada qaar ka socdaalay madax Tehran u gaaraysa in ay murugada la qaybsadaan isla markaana garab istaagaan.

Madaxweynaha geeriyooday ee Ibraahim iyo wafdigiisa ayaa watay saddex diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca waxa uu kusii jeediyay Magaalada Tehran isaga oo ka yimid Xadka ay wadaagaan Azerbaijan halkaas oo uu kasoo hirgeliyay mashruuc biyo.

Isbaddel ku yimid dhinaca cimillada gaar ahaan ceeryaabo qarisay isu gudubka Diyaaradaha ayaa sababtay in ay buur ku dul dhacdo waxaana lasoo bandhigay muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta shilkaan uu ka dhacay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed