DFS oo ka qeyb gashay shir looga hadlayey dagaalka AS

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Qoraal kooban oo ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu shirka  kaga warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Dhanka kale  kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya waxa uu kulan duceedyo la yeelan doonaa madaxda ka soo qeyb gashay shirka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed