DFS oo ka hadashay hwolgalo ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin  ka bixisay howlgallo duqeymo ah oo loo adeegsaday Diyaaradaha Dagaalka oo ka dhacay Deegaanno hoostaga Ruun-nirgood oo Shabeelaha Dhexe ah iyo Ceeldheer oo Galgaduud ah.

Hawlgallka ayaa dowladda ku sheegtay in ay  ku dishay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab dagaalka ka dhacay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

“19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.” Ayaa lagu yiri, Warsaxaafadeedka dowladda

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in uu Hawlgalka  socday muddo ka badan 24-saac oo ka dhacay tuulada Geed Ma’arke ee hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Al-sgabaab, iyada oo goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka labaad ayaa dowladda sheegtay in lagu beegsaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen, kuna taallay deegaanka Ceel Heelle, iyada oo goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Al-shabaab ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Hawlgalladaan ayaa ku soo aadayo xilli ay ciidamada dowladda, maalmahii la soo dhaafay ay hawlgallo ka wadeen gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed