DFS oo ka hadashay dagaal beeleed ka dhacay Gamludug

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa baaqa nabadeed u dirtay beelo walaalo ah ku dagaalamay deegaanka Laandheer oo u dhaxeeya magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday beelaha ku dagaalamay Galmudug in ay si degdeg ah u joojiyan colaadda isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka. Iyada oo sidoo kale ka codsatay daddka wax garadka ah sida; Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale inay nabadda u istaagan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sii yiri, “Waxaan mas’uliyiinta dowlad goboleedka Galmudug ugu baaqeynaa in ay kaalintooda ka qaataan, ayna u istaagaan xal u helidda colaadda.”

Ugu dambeyn Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyey, “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, waxay diyaar u tahay in ay ka geysato wax alle wixii kaga aaddan sidii xalwaara loogu heli lahaa colaaddan.”

Warsaxaafadeedkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu dagaal saaka ka qarxay Waqooyinka gobolka Galgaduud, iyada oo halkaas ku degaalameen dad walaalo ah oo wada dega deegaanka, waxaa ku dhaawacmay dad shacabka iyo Askar ka tirsan ciidanka Booliksa, halka uu ku dhintay Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska ee degmada Caabaduwaaq.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed