Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran kaas oo ka shaqeyn doono Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka ayaa ka kooban 7-xubnood oo isugu jiro qaar kamid ah wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay magacabeyso guddi ka shaqeynaayo hawlagallada dagaal ee dalka ka socda, iyaga oo ka shaqeyn doona taakuleynta dagaalladaas uu dalka dagaal kula jiro Al-shabaab iyo Daacish.