DFS oo farriin adag u dirtay Xubnaha Beesha Caalamka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay in aan la aqbali karin faragelin toos ah oo ay xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+ ku yeeshaan arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa loo diray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo qeyb ka ah Xubnaha Beesha Caalamka ee C+.

“Iyadoo Soomaaliya ay leedahay hay’ado dowladeed oo rasmi ah oo si buuxda u shaqeeya, ma jirto sabab sharci ama siyaasadeed oo Beesha Caalamku si toos ah faragelin ku yeeshaan arrimaha gudaha” ayaa lagu yiri Warqadda Wasaaradda.

Sidaas darteed, Dowladda Federaalka waxay ugu baaqday xubnaha Beesha Caalamka in wada shaqeyntooda u maraan hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya diyaar u tahay wadashaqayn buuxda oo la yeelato saaxiibbadeeda caalamiga ah, balse aysan aqbaleyn in lagu dhaqmo sidii marxaladii KMG aheyd.

Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ ayaa waxaa kamid ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Mareykanka, iyo UK.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed