Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay cambaareynayaan ficilada gurracan ee ay waddo Itoobiya, kuwaasi oo ka hor imaanaya Midnimada iyo Madaxbannaanida dalka.
“Itoobiya waxaa ay Maleeshiyaad sharci darro ah u soo galisay gudaha dalka, deegaanno ka tirsan gobolada Puntland iyo Galmudug, si ay colaad u huriyaaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda qaadi doonto tillaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso Amniga dalka, isla markaasna ay uga hortageyso duulaanka Itoobiya.