Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

DFS oo digniin adag udirtay dowlada Itoobiya

War kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga falceliyay Ciidanka Itoobiyaanka ah ee Saacadihii lasoo dhaafay soo galay qaybo kamid ah Gobolka Gedo, Dowladdu waxa ay ku tilmaamtay faragelin cad oo Xukuumadda Addis Ababa sameysay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Ciidankaas ay usoo galeen Dalka ku micneysay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay dooneyso sidii ay isaga horkeenni lahayd Beelaha Walaalaha ah ee dega Gobolka Gedo.

โ€œDowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa tallaabooyinka guracan ee Dowladda Ethiopia ay ka waddo Gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaa deggan, taas oo qeyb ka ah faragelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliyaโ€ ayaa lagu yiri warka.

โ€œSaaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawoโ€ aya lasii raaciyay qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeyso tallaabooyin ay kaga hortageyso xadgudubka qaawan ee Itoobiya ku sameyneyso Madaxbannaanida, Wadajirka iyo xushmad darrada ay u muujineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

โ€œDowladda Federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madaxbanaanida iyo qaranimadeeda, waxayna ugu baaqeysaa beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalkan gurracan ee Ethiopia ee wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intabaโ€ ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay DFS.

Itoobiya ayaa ciidamo badan soo gelisay Soomaaliya kuwaas oo muuqaalladii laga duubay ku faafay Baraha Bulshada, waxa ay tallaabadaan kusoo beegantay iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay xadgudubka Xukuumadda Abiy ay ku sameysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed