47 dhalinyarro ah oo ka badbaaday doomo ku quusay xeebaha dalka Madagascar ayaa maanta soo gaaray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda soo qaaday dhallinyaradan ayaa waxaa u diray dowladda Soomaaliya, oo maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo loogu gurmanayo dhallinyaradan.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dhammaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka gacan ka geystay badbaadinta dhallinyaradan, iyada oo sheegatay in weli la baarayo sababta keentay in dhallinyarada ay la quusaan doomahooda.