Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo milatari oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, waxayna ciidamo dheeraad ka dajisay gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.
Sida ay ogaatay, BSC illaa laba diyaaradood oo sida ciidamo fara badan iyo hubkooda ayaa maanta laga dajiyay gudaha deegaanka Raaskambooni oo u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha ay saaka ku dageen garoon uu horay qaadka uga dagi jiray oo ku yaalla halkaasi, waxayna isla markiiba bilaabeen dhaq-dhaqaaq culus.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay qorsheyneyso in diyaarado kale oo ciidamo sida ay u dirto dhinaca Jubbaland, waxaana ujeedka uu yahay inay ka hortagaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe oo ay hadda is hayaan dowladda dhexe.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta Kismaayo ay ka dhacday doorashada Jubbaland, waxaana markii saddexaaad dib loogu doortay Axmed Madoobe, kaas oo ay doorashadiisu diidan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.
Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, kuwaas oo malxiis uun u ahaa Axmed Madoobe.
Si kastaba, dowladda dhexe ayaa horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijada doorashada Jubbaland, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.