DFS oo canbaareysay fal xadgudub ah oo ay ku kacday Itoobiya

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay xadgudub diblumaasiyadeed oo ay dowladda Itoobiya kula kacday wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa uga qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya sameysay Xadgudub si ay uga hor istaagto wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh iney ka qeyb galaan shir madaxeeda Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay safarka uu ugu ambabaxay madaxweyne Xasan Sheekh dalka Itoobiya ay si weyn u dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, maadaama Itoobiya wali ay ku adkeysanayo heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed