DFS oo cambaareysay Weerarrada Iiraan ee Dalalka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarada iyo faragelinta ay dowladda Iiraan ku hayso qaar ka mid ah dalalka Carabta, kuwaas oo lagu tilmaamay xadgudub weyn oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo amniga gobolka.

War-saxaafadeed maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Maarso, 2026 ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab istaag buuxa u muujineyso dalalka ay walaalaha yihiin ee ay saameeyeen gardarrada Iiraan.

Qoraalka wasaaradda ayaa si gaar ah loogu magacaabay dalalka: Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Qatar, Kuwait, Boqortooyada Urdun, Baxrayn, iyo Saldanadda Cumaan, kuwaas oo Soomaaliya ay sheegtay inay ku taageerayso tallaabo kasta oo ay u qaadayaan difaaca naftooda iyo ilaalinta bedqabka dhulkooda.

Hase yeeshee, waxa si weyn loo dareemay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay magaca dalka Imaaraadka Carabta ku dartay liiska waddamada ay garab istaagga u muujisay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka turjumaysa xiriirka xumaaday ee labada dal, gaar ahaan ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sanadkan burburisay dhammaan heshiisyadii dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee ay la lahayd dowladda Abu Dhabi.

Ugu dambeyntii, dowladda Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan diidmada adeegsiga xoogga, waxayna ku baaqday in khilaafaadka ka jira gobolka lagu xalliyo wadahadal iyo diblomaasiyad si loo dammaanad qaado nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed