DFS oo beenisay in diyaaradaha ay soo iibsatay ay shil galeen

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar lagu faafinayay baraha bulshada oo sheegayay in diyaaradaha ay dowladdu soo iibsatay ay shil ku galeen goobo aan loogu talogelin inay ka dagaan .

Hay’adda Duulista Soomaaliya oo mas’uul ka ah ilaalinta iyo kormeerka diyaaradaha gudaha dalka, ayaa caddeysay in warkaasi yihiin been abuur ay soo maleegeen waxay ugu yeertay cadowga Soomaaliya.

Waxay sheegtay hay’addu in dhammaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa kale ee ay dowladdu soo iibsatay labadii sano ee la soo dhaafay ay ku shaqeeyaan ammaan iyo badbaado buuxda.

Hay’adda Duulista ayaa hoosta ka xarriiqday in wararka ku saabsan diyaaradaha iyo ciidanka dowladda ee lagu faafiyay baraha bulshada ay ujeeddadoodu tahay, in lagu khaldo bulshada, isla markaana waxay baaq ugu dirtay shacabka inay iska ilaaliyaan wararka aan raadka  lahayn.

Hay’adda ayaa ku celisay in dhammaan diyaaradaha iyo helikobtarrada cusub ee dowladdu leedahay ay si nabad ah u shaqeeyaan, ayna wadaan howlaha qaran ee loogu talogalay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed