DFS oo Axmed Madoobe ku eedeysay duullaan ka dhan ah ciidanka ku sugan Raaskambooni

Warsaxaafadeed ay soosaartay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faah-faahisay dagaalka saakay ka dhacay deegaan hoostaga Magaalada Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay in uu soo abaabulay ‘Maleeshiyaad hubeysan’ kuwaas oo weerar ku qaaday Goobo ay joogeen Ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas lagu daray in Ciidankaas weerarka fuliyay ay soo dhexmareen deegaanno ay gacanta ku heyso ‘AS’ sida hadalka loo dhigay, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa digniin culus u dirtay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed