Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in aanay la dhisi karin dhismo aan warqad looga heysan Maxkamad, waxaana uu tilmaamay in sharci darro loo aqoonsanayo qofkii dhinac mara go’aankaan oo lagu xoojinayo sarreynta sharciga.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa hadalkaan sheegay kaddib markii uu Warbaahinta uga warbixiyay israsaaseyn sababtay Khasaara kala duwan oo ka dhacday Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Gaashaanle Cabdifitaax ayaa sheega in ay gacanta ku hayaan saddex eedeysane oo loo gudbinayo Maxkamad si loogu qaado ciqaabta ka dhalaneysa fal dambiyeedkaas halka la raad-joogo dad baxsaday iyo kuwo kale oo soo abaabulay.
Waxa uu soo bandhigay qori noociisu yahay RPG (Saban/Baasuuke) oo uu sheegay in ay adeegsanayeen ciidankii dagaalka la galay askartii diidaneen dhismaha goobtaas aan loo heysan fasax maxkamadeed sida hadalk loo dhigay.
Booliiska ayaa sheegay in aan laga hari doonin dadka baxsaday oo baaris iyo howlgal lagu soo qabanayo uu socdo si marka loosoo uruuriyo loogu gudbiyo Xafiiska Xeer ilaalinta oo diyaarinaya galdacwadeedka Maxkamadda la horgeynayo.