DFS oo 170 Tahriibe oo ka soo celisay Dalka Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 170 ruux oo Tahriib u tagtay Dalka Liibiya dib ugu soo celisay Magaalada Muqdisho, Dadkaan oo u badan Dhallinyaro ayaa muddo ku xirnaa xabiyo ku yaalla goobaha ay gacanta ku hayaan dadka madax-furashada ka qaata Tahriibayaasha.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa u qaabilsan dib usoo celinta Tahriibayaasha iyo xubno kale oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay Dadkaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Safarka Dhallinyaradaan ayay Dowladda Federaalka sheegtay in uu isugu jiray labo qayb, qaarkood ayaa laga dajiyay Magaalada Hargeysa Maamulka Somaliland Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Soomaaliya halka qaybta kale Muqdisho la keenay.

Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuleysatay dib usoo celinta tahriibayaal intooda badan lagu xiray Dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhibaatooyinka ay ka dhaxleen ciqaabta ay ku mareen xabsiyadii lagu xiray.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed