DFS ” Majirto Hawo ay la wareegtay Soomaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay Soomaliland oo sheegaya in ay dib ula wareegtay maamulidda hawadeeda.
War kooban oo ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in aysan waxba iska beddelin nidaamka maamulidda hawada dalka islamarkaana ay gacanta si buuxda ugu hayso dowladda Soomaaliya.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya”.
“Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR)” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed.
“Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace” ayuu sii raaciyay warkaasi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed