DFS iyo Iiraan oo ka wada hadlay soo celinta xiriirkooda Diblumaasiyadda

Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan ayaa waxaa u billaawday wada hadalo ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda oo go’ay sannadkii 2016.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Iiraan ayaa kulan ku yeeshay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

“Waxaan aaminsanahay in wadamada Islaamku ay xoojiyaan xiriirka si ay u raadiyaan danaha wadaagga ah iyo in ay si wadajir ah uga hortagaan cadawga dunida Muslimka, ma jiraan wax caqabado ah oo kor u qaadaya xiriirka aan la leenahay dalalka Afrika.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iiraan.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka ay uga wada hadleen arrimo ay kamid yihiin dib u eegis ay ku sameyanayaan xiriirka Iiraan.

Soomaaliya iyo Iiraan ayaa xiriirkooda go’ay sannadkii 2016, markaasi oo dalka laga eryay Diblumaasiyiin iyo Hay’addo u dhashay dalka IIraan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed