DFS” Dowladda Mareykanka uma qorsheeysna inay Somaliland dal madax banaan ay u aqoonsato”

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Safiir Daahir Carab ayaa sheegay in dhowr jeer ay la fadhiisteen Dowladda Mareykanka oo aysan jirin qorshe dhow iyo mid fog oo ay ku damacsan tahay in Somaliland ay u aqoonsato dal ka madax banaan Soomaaliya inteedi kale.

Safiirka waxa uu yiri ” arintaasi waxaa ka dhalanaya mas’uuliyado iyo waajibaad ay adagtahay in lagu deg dego waxaana kasii adag cid u bareeri karta inay qaado khaladkaasi weyn”.

Safiirka oo wareysi siinaayay VOA laanteedi Afka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay Mareykanka ka codsan doonto in gargaarka USAID si toos ah Dowladda loosiiyo halka markii hore loosoo marsiin jiray Hay’addo ama NGO maxali ah.

“Dowladda Mareykanka waxa ay naga taageertaa arrimaha lojistikada ee Ciidamada Danab iyo mushaaradkoodi waxaana si toos uga dalban doonaa in gargaarka USAID si toos ah loosiiyo Dowladda Federaalka” ayuu yiri Safiir Daahir Carab.

Waxaa jiray hadal hayn ka dhalatay hadalka laga soo xigtay rag ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo sheegay in Trump ay qorshaha sanadkaan 2025 ay ugu jirto inuu aqoonsado Somaliland inay noqoto Dowlad Madax banaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed