Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu diiday kaalmada Dowladda ee lagu xoojinayo dagaalka Daacish.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka qorshaheeda dagaalka ka dhanka ah Daacish in hubka, adeegga caafimaad iyo saanadda ka gacansiiso si guullo wadajir ah looga gaaro balse Siciid Deni uu kahor yimid.
Dedaalka Dowladda ee qancinta Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayuu ku sheegay in heer weliba la gaarsiiyay laakiin dhinaca Siciid Cabdullaahi Deni uu xiray albaab weliba oo Dowladdu ka gasho maadaama aanay si xoog ah ku geli karin.
“Ololaha hadda socdda ee ka dhanka ah Daacish in Dowladdu dhahday gacan aan kuu fidino, dhaawacyada aan soo qaadno oo saanadda aan ku siino balse Siciid Deni uu diidan yahay, Dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay hesho meel ay kasoo gasho, xoog kuma soo gali kartee waa in la helaa rabitaanka Maamulka halkaas ka jira” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah XFS.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dhowr jeer waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay in ay ku daawatay dagaalka ka socda Dhulka Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari si ay uga adkaato Daacish.