Deeq lacageed oo loo qeybiyay qoysaskii dadkoodu ku dhinteen weerarkii Liido

Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa shalay deeq lacageed gaarsiiyay qoysaska dadkoodii ku dhinteen weerarki kooxda Al-shabaab ka geysatay xeebta Liido 2-dii bishaan Agoosto.

Lacag dhan $2000 oo dollar ayaa guddigu uu gudoon siiyay qoyskiiba 36 ruux oo ka socday ehalada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido oo dadkii ku dhintay horay dowladda u xaqiijisay iney ahayeen 40 ruux.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad kale oo loo diiwaangeliyay dhibaneyaashii geeriyooday aanan wali la helin xogtooda, kuwaas oo guddigu uu ka dalbaday iney la soo xariiraan.

“Maanta waxaan 36 ruux oo ahaa ehalada dadkii nooga dhintay qaraxii Liido u qeybinay min $2000 oo dollar oo tacsi ah, dowladdo way tabar yar tahay, balse shacabkeeda haday is kaashadaan way dhayi karaan baagaha Khawaarijjta u geysteen dadkeena, gurmadka intaan kuma ekaan doono caruurta agoonta ah wan ogaan doona noloshoda iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay weerarkii Liido” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga gurmad qaran ahna Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Xasan.

Ugu dambeynti deeqda lacageed ee maanta la gaarsiiyay ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxi xeebta Liido ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed oo ku tilmaamay arintaan talaabo aad  wanaagsan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed