Dayactir laga bilaabay Jidka xiriiriya Qardho iyo Garowe

Hay’adda Dayactirka iyo Hormarinta Jidadka Dowladda Puntland (PHA), ayaa maanta bilowday Dayactirka Jidka u dhaxeeya degmooyinka Qardho iyo Garowe oo laga qabanayo howlo godod buuxin ah.
Daahfurka Shaqadan waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Xildhibaano, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda PHA, Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud, Ganacsade Jaamac Dhaga Dheere iyo maamulka Degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.
Wajiga Koowaad ee shaqada Dayactirka ayaa ku bilowday hab isku tashi ah oo ay iska kaashanayaan Dowladda, maamulka Degmada iyo dadka Deegaanka.
Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda PHA, Abdirazak Mohamed Hayir, ayaa ka warbixiyay shaqada hay’addu bilowday iyo qorshaha guud ee lagu hormarinayo Jidadka Puntland.
“Waxaan maanta Dalacadda Karin Dhiig ka bilownay shaqo dayactir ah maadaama halkan ay ka dhacaan shilal joogto ah, hay’addana ay soo gaarayeen cabashooyin ka imaanayay gaadiidlayda,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenku isagoo intaas ku daray in hay’addu iyadoo fulinaysa qorshaha xukuumadda ee hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ay diyaarisay dhammaan daraasaadkii iyo shaqooyinkii la qaban lahaa sannadka 2024.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Faarax Cawad ayaa oo Daahfuray shaqadan ayaa kooxda Dayactirka hay’adda ku ammaanay shaqada ay qabteen, wuxuuna tilmaamay in ka xukuumad ahaan ka shaqaynayaan sidii dib u dhis iyo dayactir joogto ah loogu samayn lahaa Waddooyinka Puntland.
Xubnaha kale ee ka socday Dowladda iyo Ganacsade Jaamac Dhagadeed ayaa booriyay shaqada dib u dhiska waddooyinka, waxayna dowladda iyo shacabka ka codsadeen in loo midoobo dhismaha Jidadka si kor loogu qaado hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Wajiga xiga ayaa noqon doona Dayactirka inta u dhaxaysa Qardho iyo Bosaso.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed