Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Mongolia, Hodan Cismaan Cabdi, ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ugu wareejisay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mongolia, Ts. Ankhbayar.
Danjire Hodan ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay bilaabashada waajibaadkeeda cusub, iyadoo tilmaantay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo kobcinta iskaashiga laba geesoodka ah.
Waxay sheegtay in fursado cusub lagu ballaarin doono dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo is-dhaafsiga dhaqanka.
“Soomaaliya iyo Mongolia waxa ay leeyihiin taariikh dheer oo saaxiibtinimo, waxaana diyaar u nahay inaan dhisno xiriir xooggan oo la jaan qaadaya isbeddelka caalamka,” ayay tiri Danjire Hodan.
Labada dal ayaa xiriir diblomaasiyadeed yeeshay 28-kii Febraayo 1971, waxaana in ka badan 50 sano ka dhexeeyay xiriir ku saleysan ixtiraam, wadashaqeyn iyo aragti mideysan oo ku saabsan nabadda iyo horumarka caalamka.