Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa ka socda deegaanka Buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari halkaasi oo howlgaladii ugu xoogana ay Puntland kawaday maalmihii la soo dhaafay.
Subaxnimadii hore ee maanta ayuu dagaalkaan ka billowday qaraxyo iyo weeraro toos ah inkasta oo aan la xaqiijiyeen khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.
Puntland ayaa soo bandhigtay sawirrada xubno u badan Ajaanib kuwaas oo ku dhintay dagaalka xooggiisa ka socda Deegaanka Haraaryo ee Gobolka Bari, waxaa kale soo bandhigeen difaacyadii ay joogeen oo ciidamadu qabsadeen.
Wararka soo baxaya ayaa kusoo warramaya in diyaaradaha Maraykanka ee duulliye la’aanta ah duqeymo ku beegsadeen deegaanka lagu dagaalamay, halka ciidanka Difaaca Puntland ay adeegsadeen hubka culus.