Ciyaartii Galmudug vs Hir-Shabeelle oo dib loo dhigay

Warqad uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa dib loogu dhigay kulan ciyaareedka lagu soo gabagabaynayo Tartanka Dowlad-Goboleedka & Gobolka Banaadir oo uu koobku dhexyaallo Hir-Shabeelle & Galmudug.

Wax ka baddelkaan cusub ayaa meesha ka saaray jadwalkii hore uu Guddigu ku shaaciyay in ciyaartaan ay dhacayso Sabtida 27ka Janaayo 2024 balse kulankaan ayaa loo baddelay 29ka Janaayo oo ku beegan maalinta Isniinta.

Ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir waxaa sanadkaan mid uun qaadi doonna Galmudug oo sanadkii hore laga qaaday iyo Hir-Shabeelle oo ku cusub booska ay joogto.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed