Ciidanka Puntland oo la wareegey ceelka Ida-kacab ee duleedka Yucrin.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo maalmihii la soo dhaafay wadey hawlgallo ka dhan ah kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ayaa saaka la wareegey mid kamid ah ceelashii ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka kooxdaasi.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen ceelka Ida-kacab oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka Yucrin ee togga Baallade.

Ciidanku waxay la wareegeen Ceelka Idakacab oo
Waqooyiga ka xiga deegaanka Yucrin, ee Togga Baallade. Ceelkan wuxuu ka midyahay goobaha kooban ee ay ku dhuumanayeeFirxadka Daacish”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Cal-miskaad.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed