Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegey ceelkii Garooba ee togga Baallade, oo ay maalmihii dambe gabbaad ka dhigan jireen malayshiyaad katirsan firxadka Daacish.
Wararka ayaa sheegaya in aysan ciidamada difaaca Puntland wax iska caabin ah kala kulmin qabashada Garooba, maadaama ay sii firxadeen mileeshiyaadkii Daacish ee ku dhuumanayay ceelka ka hor inta aysan ciidamadu goobta gaarin.
Saraakiil katirsan ciidanka oo la hadlay HM ayaa xaqiijiyey in ceelkaani uu muhiim u ahaa dhanka biyaha, difaaca iyo dhuumaalaysiga kooxda maadaama uu kuyaal goob istaraatiiji ah.
Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay la wareegey deegaamo muhiim ah oo ay ku dhuumaalaysan jireen firxadka Daacish, waxaana garab socda wacyigelin bulsho iyo u diyaar garawga goob walba oo cadawgu gaaro, sida ay sheegeen taliska hawlgalka Hillaac.

