Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo maalmihii la soo dhaafay hawgallo safmar ah ka wadey togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa maanta gaarey godad lagu duqeeyey Daacish.
Qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa lagu sheegay in ciidanku maanta qabteen ceelka lagu magacaabo Carabi ee togga Baallade.
Taliska ayaa sheegay in loogu tegey Meydad, Awr iyo agab dagaal oo ay lahaayeen malayshiyaadka Daacish, kadib duqaymo ay la beegsadeen diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah.
“Allaahu Akbar, Ciidanku waxay qabteen Ceelka Carabi ee Togga Baalade, waxay heleen haraadi Maydadka firxadka Argagixisada oo lagu dilay duqeymihii u danbeeyay, Awr iyo Agab ay lahaayeen“ayaa lagu yiri qoraalka taliska.

