Ciidamo ka gadoodan mushaar la’aan oo xirtay Jidka Airpor-Ka Boosaaso

Askar katirsan ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan

Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeybtooda kasoo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta.

Maanta ayay ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas kusoo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

mudo dheer oo ay wadada garoonku xirnayd waxaa lagu guuleystay in ciidamad laga qaado meesha ka dib markii qaar ka mid aha mushaharkii uu u soo dhacay halka kuwa kalena lagu qanciyay in la siin doon.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed