Ciidamada xooga iyo kuwa Jubaland oo saaka dagaal ka dhex qarxay

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland uu saakay ka qarxay nawaaxiga deegaanka Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo si gaar ah uga socda deegaanka lagu magacaabo Manaraani ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan saakay ka bilaawday deegaanka Manaraani oo qiyaas ahaan 30KM u jira deegaanka Raas kambooni oo maalmahii lasoo dhaafay dowladda Fedaraalku geysay ciidamo aad u badan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka saakay ka qarxay deegaanka Manaraani, hayeeshee Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay in ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen ciidamada Jubbaland islamarkaana ay ciidamo ka tirsan kuwa xooga ay isku soo dhiibeen .

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed