Ciidamada Puntland oo howgalo ka sameeyay Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maanta hawlgal culus oo socday tan aroornimadii hore ee saaka waxay ku burburiyeen difaacyo adag oo firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade oo dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso.

Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland dagaalkii maanta ku dileen dagaallamayaal ka tirsanaa Argagixisada, islamarkaana ku weli baacsanayaan firxad ka baxsaday goobihii Hawlgalkani ka dhacay, kuwaasi oo marba god laga saarayo.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay inta u dhexaysa dharinta Carabi iyo Kal-idaad oo ka wada tirsan togga Baallade “Ciidanka ayaa 12 saac ee u danbeysay Hawlgalo ka wada inta u dhexeysa Carabi iyo Kal-Idaad oo kawada tirsan Togga Baallade, Firxadkii Argagixisada ayaa hadba God laga saaraya, waa wax la laayey iyo wax lagu daba joogo.”

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Puntland oo hawlgal ka sameeyay ceelasha Aleelooyin e buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay xubno kamid ah Daacish oo ka soo firxaday Hawlgalkii Baallade, waxaana ciidamadu gacanta ku dhigeen ceelashii Aleelo yar iyo Aleelo weyn oo ay ka nadiifiyeen Argagixisada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed