Ciidamada PMPF oo howlgal ku qabtay Hub sharci daro ah

Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda oo gulufyo balaadhan oo isdaba jooga ka wada Badaha Puntland ayaa habeenimaddii xalay gacanta ku dhigay Hubsharcidaro ah, gaadiidkii wadey iyo 4 dambiile oo watey, kuwaas oo si dhuumaalaysi ah kusoo gelinaayey magaalada Boosaaso.
Warkan ka soo baxay Taliska ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa lagu sheegay in Hubkan sharcidarada ah oo isugu jirey noocyada kala duwan ee hubka ah ciidamaduna dhammaantood gacanta ku dhigeen, waxaana uu hawlgalku kusoo dhammaaday guul.
ciidamada PMPF ayaa digniin adag u dirayaa cidkasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharcidarada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah Amniga Puntland, ciddii falalkaasi lagu qabto waxaa la horgayndoonaa sharciga, iyagoo mutaysandoona ciqaab adag.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed