Cabdiraxmaan Ciro oo la kulmay sarakiisha ciidamada Somaliland

Madaxweynaha Dooran ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada ammaanka isaga oo kala hadlay adkaynta amniga deegaannada Maamulkaas.

Saraakiisha la kulmay Cabdiraxmaan Cirro oo uu hoggaaminayay Nuux Taani taliyaha Ciidanka Militariga Maamulka Somaliland waxa ay isla garteen in la xoojiyo nabadgalyada muddada kooban ee lagu jiro xaaladda isbaddelka hoggaanka.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa faray saraakiisha ciidamada ammaanka Maamulka Somaliland in ay heegan buuxa ku jiraan ilaa inta ay kasoo dhammaaneyso xilwareejinta Madaxweynihii hore ee Maamulkaas isla markaana uu saldhigayo maamulkiisa cusub.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed