Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay markale afduubteen doon kalluumaysi oo calanka Yemen sidata, taasoo lagu afduubtay biyaha ay burcad-badeeddu ku badan yihiin ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR).
Ciidanka badda ee howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub, oo ka howlgala Geeska Afrika si loola dagaallamo burcad-badeednimada, ayaa bayaan ay soo saareen galabnimadii Talaadada ku sheegay in doonta la afduubtay Isniintii meel u dhow Garmaal, oo ku taalla waqooyiga gobolka Puntland ee Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Eyl.
“Weli waxaa socda baaritaan. EUNAVFOR waxay si dhow ula socotaa dhacdadan, iyadoo la shaqaynaysa Ciidamada Badda Isku-dhafka ah (CMF) iyo Ilaalada Xeebaha Yemen,” ayay tiri ciidamada badda ee Midowga Yurub.
Weerarka ayaa yimid 10 maalmood uun kaddib markii la afduubtay doon kale oo calanka Yemen sidatay, Al Najma, taasoo la sii daayay 13-kii Febraayo.