Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ee Puntland waxaa maanta ka soo muuqday 10 ruux oo ku eedaysan kamid ahaanshaha kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.
Ragga ka soo muuqday maxkadda ciidamada qalabka sida ee Puntland gaar ahaan qaybteeda gobolada Bari, Sanaag, Karkaar, Haylaan iyo Raas-casayr oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayaa intooda badan qirteen kamid ahaanshaha kooxahaasi.
Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Puntland oo galka eedaha xubnahaan maxkamadda la wadaagtey ayaa dalbatay in hayโadaha garsoorku ka gutaan waajibkooda laguna ciqaabo dhagartii ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed.
Mid kamid ah xubnaha maxkamadda ka soo muuqday oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee Somalia ayaa sheegay inuu tababaro ku soo qaatay Jilib, loona xil saaray inuu askarayn uga sameeyo deegaamo katirsan gobolka Cayn, iyadoo laamaha ammaanku ugu dambeyn gacanta ku dhigeen.