BOSASO: Qarax ka dhacay goob meherad ah oo lagu qayilo

Qarax nooca miinada ah ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob meherad ah oo lagu qayilo oo ku taalla aaga xaafada Tuurta ee beriga magaalada Boosaso.
khasaare kala duwan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaasi.

Dhaawacyada oo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas iyadoo aysan weli ka hadlin dowladda.
dhacdooyinkan amni daro ayaa ku soo badanayay wayadan magaalada iyadoona la wareerary qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed