Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, iyada oo ay halkaas ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Taliska ayaa warsaxaafadedeka ku sheegay in uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka boliiska.
Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xiriira  sida ay wax u dhacday dilka sarkaalkaas , iyaga oo carrabka ku adkeeyay in ay tiigsan doonaa ciddii qeyb ka ahayd.