Booliska Soomaliya oo la wareegay Guriga Hooyooyinka

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay la wareegay amniga Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, waxa ay wararku sheegayaan in ay xireen qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee halkaas fadhigoodu ahaa.

Sida ay Warbaahintu u xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaa muddooyinkii dambe taagnaa doodda la xiriirta in Xukuumadda Federaalka ay dalbatay in dhismahaas ay ku shaqeyso Wasaaradda Arrimaha qoyska & Xuquuqul-Insaanka iyo diidmo ay xubnaha qaar kala hortageen.

Ciidamada ammaanka oo wata gaadiidkooda ayaa xiray isu socodka dhismahaas iyaga oo dadka qaar u diiday in ay gudaha u galaan ama uga soo baxaan maadaama ay halkaas ka wadaan howlgal sida ay wararku sheegayaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed