Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in in ay sameeyeen howlgal lagu xaqiijiyay amniga oo lagula dagaalamay hubka sharci darrada.
“Falkan, oo ahaa mid khilaafsan nidaamka iyo xeerarka amniga ee caasimadda, ayaa sababay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa meel u dhow goobta, xubno ka tirsan Ciidamada Amniga, iyo qaar ka mid ah maleeshiyaadkii hubaysnaa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Isaga oo sii socda ayaa waxay booliiska yiraahdeen “Ciidamada Amniga ayaa xasiliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubaysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka
Ugu dambeyn, Booliiska ayaa sheegay in ay u digayaan cid kasta oo ku hawlan ama taageerta falalka amniga lidka ku ah, in ay si degdeg ah uga waantoowdo.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Isgoyska Tarabuunka, inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.
Dagaalka ayaa dhexmaray ciidanka dowladda iyo askar diidan in dadka shacabka ah laga saaro Garoonka Kooxda Horseed ee Ciidanka oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Tarabuunka.

