Booliska Qardho oo qabtay gacan ku dhiigle dil geystay

Taliska Booliska Gobalka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle Cabdiraxman Maxmuud Cali oo dilka u geestay Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdilaahi Cali Maxamuud oo laga soo qabtay Baadiyaha Tuulada Qarasoor kadib howlgal ay ku raad joogeen Booliska ilaa Markii uu falka dilka ah dhacay.

Ciidamada Booliska Magalada Qardho oo kaashanaayay shacabka ayaa gacan ka gestay soo qabashada Eedeesanaha dilka geystay, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Booliska Gobalka Karkaar

Taliye Xuseen ayaa sheegay Ciidamadii howlgalkaas sameeyay lagu abaal marin doono shaqada adag ay qabteen iyo sida ay ugu guuleysteen waxaan uu cadeeyay in gacan ku dhiigluhu uu mari doono cadaalada

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed