Booliska Puntland oo lagu wareejiyay Eedeysan dil geystay oo baxsad ahaa

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa magaalada Garoowe ka dejiyay eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo maalin ka hor Ciidanka Booliiska Caalamiga ah ay kasoo qabteen Dalka Kenya.
Hoggaanka xiriirka dibadda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Interpol ayaa Muqdisho ka qaaday eedeysane Maxamed Cumar Ciise oo loo heysto inuu horay u dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Faarax 17-05-2024, kaasi oo horay waaran soo qabasha ah uu ugu jaray xafiiska Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed qeybta arrimaha dibadda ee Interpol, ayaa eedeysanaha ku wareejiyay laamaha ammaanka gobolka Nugaal, si loo horgeeyo Maxkamadda awooda u leh.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed