Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Nin dilay gabadh Ardayad ahayd

War ka soo baxay taliska booliska gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay eedeysane Abshir Cabdiraxmaan Abshire oo Garowe maanta ku dilay gabadh ardayad ahayd oo lagu magacaabi jiray Ubax Yaasiin Cali xili ay ku sugnayd xaafada Hodan ee magaaladaasi.

qoraalka lagu qoray barta booliska ayaa lagu sheegay in gacanta booliska uu ku jiro eedaysanuhu islamarkaana cadaalada la horgeyn doono .

dhacdooyin kala duwan oo iskugu jira falal kufsi iyo dilal ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo laa laabanayay caasimada Puntland ee Garowe.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed