Booliska oo la wareegay Ninkii ku eedeysnaa in uu gubay Xaaskiisa

Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta Booliiska ku wareejisay Sayid Cali Macallin Daauud oo 5tii Bishaan Febaraayo 2024 ciidan ka tirsan Hay’addaan ay soo qabteen isaga oo baxsad ah.

Sayid Cali oo ka gubtay Gacanta Bidix ayaa lagu hayay goob gaar ah oo ciidamada Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ku hayeen si loogu daweeyo waxaana ugu dambayn maanta lagu wareejiyay Booliiska.

Waxa uu Ninkaan ku eedaysan yahay in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis oo Uur lahayd inkasta oo aan la shaacin sababta keentay in uu dab qabadsiiyo Aafadiisa oo ugu dambayn u dhimatay dhaawaca culus ee dabkaas kasoo gaaray.

Ehelka Luul oo ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis Maxamed ayaa Shalay waxa uu Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in caddaaladda loo mariyo Sayid Cali maadaama marxuumadda aanay weli la aasin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed