Booliska gobolka Bari oo sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan Daacish

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo la hadlay SBC ayaa sheegay in Bosaso ay ka socdaan howlgalo kala duwan oo ciidamada ay ku qabtee kooxo lagu raad joogay kuwaas oo amniga lid ku aha .

Sida oo kaliye Taliyaha qeybta gobolka Bari ayaa sheegay in dadka la qabtay ay iskugu jiraan Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo lagu raad joogay mudooyinkii danbe

dadka la qabtay waxa ku jira kuwa ka baxsaday magaalada Boosaso tan iyo intii ay howlgaladu bilaabmeen islamarkaana ay laga soo qabtay banaanka magaalada Boosaso.

Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa shacabka Reer Puntland uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan kaas oo ah mid ah kula shaqeynayaa ciidamada amaanka falal badan oo amni daro ahna la socd siiyay inta ay howlgaladani socdeen.

Ciidamada Ammaanka Boosaaso oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa tan iyo bilowgii dagaalka Calmiskaad, waxay ku guulaysteen in ay fashiliyaan falal argagixiso oo ay kooxda ISIS ka abaabulaysay Boosaaso.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed