Booliska Gobolka Bari oo qabtay Kooxo la shaqeynayay Argagixisada

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa Faahfaahin ka bixiyay howlgalo amniga la xiriira kuwaas oo ka dhacay magaalada bosaso ee xarunta ganacisga Puntland.

inta ay howlgaladu socdeen ayaa taliye dirir sheegay in ay ku soo qabteen ilaa 13 qof oo uu sheegay in ay qirsan yihiin la shaqeynta kooxda Al-shabaab.

sida oo kale Taliyaha qeybta booliska gobolka bari Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa cadeeyay in howlglada sida oo kale lagu qabtay qaraxyo la rabay in shacabka iyo magaalada lagu dhibaateeyo islamarkaana ay dhawaan soo bandhigi doonan.

howlgaladan ayaa inta badan ka dhacay xaafadaha magaalada Bosaso kuwaas oo loo baarayay Guriguri .

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa mudooyinkii danbe ka dhacayay qaraxyo iyo dilal kala duwan oo loo geysanayay qaar ka mid ah bulshada magaalada si loo khalkhal galiyo amniga.

halkan ka daawo Shirka Jaraa’id ee Taliye Dirir.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed