Barlamaanka Puntland oo ka dooday xeerka Saxaafada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 54-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta waxaa Golaha hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta & Dastuurka, isagoo Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta wax-ka-baddelka xeerka Qareenada Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay wax-ka-baddelka iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kasoo Goluhu ku samayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka wax-ka-beddelka xeerka uu Golaha horkeenay, Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Shuruucda & Caddaaladda si ay ugu sameeyaan akhriska labaad.
Dhinaca kale, waxaa fadhiga maanta Golaha la horkeenay Wax-ka-beddelka xeerka Warbaahinta Puntland iyo warbixin taabanaysa baahida keentay wax-ka-baddelka xeerka kaas oo Goluhu isla maanta ku sameeyey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Goluhu ku wareejiyey Guddiga Arrimaha bulshada iyo dhaqanka si ay ugu soo sammeeyaan akhrinta labaad islamrkaana ula soo tashadaan daneeyaasha uu saamyenta ku yeelanayo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed