Barlamaanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray amniga gobolka Nugaal.

Guddiga gaarka ah ee uu 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 u xilsaaray 𝐚𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥 ayaa maanta kulan la qaatay 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐍𝐮𝐠𝐚𝐚𝐥, waxaana shir guddoomiyey Xildh 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝑫𝒖𝒄𝒂𝒂𝒍𝒆 𝑪𝒂𝒍𝒊- 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐞𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒐𝒐𝒎𝒊𝒚𝒂𝒉𝒂 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝑵𝒖𝒈𝒂𝒂𝒍 𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒖-𝒙𝒊𝒈𝒆𝒆𝒏𝒌𝒊𝒊𝒔𝒂, 𝑻𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂𝒉𝒂 𝑸𝒂𝒚𝒃𝒕𝒂 𝑩𝒐𝒐𝒍𝒊𝒔𝒌𝒂 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝑵𝒖𝒈𝒂𝒂𝒍 𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒖-𝒙𝒊𝒈𝒆𝒆𝒏𝒌𝒊𝒊𝒔𝒂, 𝑮𝒖𝒅𝒅𝒐𝒐𝒎𝒊𝒚𝒆 𝒌𝒖-𝒙𝒊𝒈𝒆𝒆𝒏𝒌𝒂 𝒅𝒆𝒈𝒎𝒂𝒅𝒂 𝑮𝒂𝒓𝒐𝒐𝒘𝒆, 𝑻𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂𝒉𝒂 𝑩𝒂𝒂𝒓𝒊𝒔𝒕𝒂 𝑫𝒆𝒎𝒃𝒊𝒚𝒂𝒅𝒂 𝑮𝒐𝒃𝒐𝒍𝒌𝒂 𝑵𝒖𝒈𝒂𝒂𝒍 (𝑪𝑰𝑫𝑨) 𝒊𝒚𝒐 𝒉𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑯𝒂𝒘𝒍𝒈𝒆𝒍𝒊𝒏𝒕𝒂 𝑪𝒊𝒊𝒅𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑩𝒐𝒐𝒍𝒊𝒔𝒌𝒂.

Ujeeddada kulanku oo ahayd xog waraysi ku aaddan la socodka Xaaladda Amniga Gobolka Nugaal gaar ahaan Caasimadda Puntland ee Garoowe, iyadoo looga dhageystey warbixin mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal, tasoo la xiriirta Caqabadha jira, qorshaha xoojinta Amniga iyo sidii maamulka Gobolka iyo Boolisku ay uga hawlgeleen soo qabasha cidda kasta oo ku lug leh falalka Amnidarro, iyadoo mas’uuliyiinta Gobolku ay hoosta ka xaqariiqeen in adkaynta Amnigu uu yahay mudnaanta kowaad.

Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta iyo adkaynta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in caddaaladda la horgeeyo cid kasta oo gaysta falal lidi ku ah xasiloonida iyo deganaanka Puntland.

Ugu dambeyn, Guddiga gaar ah ee Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta Gobolka Nugaal ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha, waxqabashada iyo cidddaaladda la horgeeyo cid kasta oo gaysata falal lidi ku ah Xasiloonida iyo Amniga Puntland. oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed