Magaalada Mandera ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad ballaaran oo ay sameeyeen shacabka deegaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayay in ciidanka Jubaland laga saaro deegaannadooda.
Banaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “Murkomen ha iscasilo”, ayaa ku eedeeyay dowladda Nairobi in ay halis gelisay madax-bannaanida Kenya, iyadoo ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandera.
Dadka mudaharaadayay ayaa sheegay in joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Jubaland ee soo gudbay xadka, intii ay socdeen howl-gallada amniga, uu kordhiyay xiisadaha isla markaana dhaawacay kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda dowladda Kenya ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda.
“Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliiska iyo militarigeenna la hareer mariyay?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday.
Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Wasiirka Gaadiidka Kipchumba Murkomen, iyagoo ku baaqay inuu xilka iska casilo, waxayna ku eedeeyeen dayacaad iyo in uu ka gaabiyay ka jawaabidda cabashooyinka amni ee gobolka.
Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa uga digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashooyinka, mudaharaadyadu ay kasii dari karaan maalmaha soo socda.

