Bandhiga buugaagta Bari oo Bosaso laga daah-furay

Bandhiga buugaagta gobolka Bari ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

dhalinyaro iskood isku xilqaamay iyo kuwo ka shaqeeya arimaha bulshada ayaa lahaa ahl abuurka bandhiga buugaagta ee laga daah-furay Bosaso.

Maamulka Gobolka Bari kan degmada Bosaso qorayaal madaxda Jaamacadaha iyo marti lagu casuumay bandhigan ayaana ka qeyb-galay daah-furka munaasabada oo si weyn looga shaqeynayay mudooyinkii danbe.

Ujeedad bandhiga buugaagtan ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa akhriska iyo qoraalka oo soomalidu inta badan ay ku yar tahay xoojintiisu.

Bandhiga buugaagta Bari ayaa lagu soo bandhigay buugag ay qoreen qorayaaal dayar oo soomaliyeed kuwaas oo mid kasta ka hadlayay mowduuc gaar ah islamarkaana mihiimad u leh bulshada qeybaheeda kala duwan.

Doodo la xiriira fahanka qorita iyo akhrisa ayaa sida oo kale qeyb ka ahaa bandhigan kuwaas oo ay soo jeedinayeen ka qeyb-galayaashu oo u badnaa qorayaal iyo suugaan ley.

Bandhiga buugaagta gobola Bari ayaa socon doona mudo sadex Maalmood ah waxaana lagu xoojin doona akhriska iyo qoraalka si bulshada loo fahan siiyo faa’idadiisa.

Sawiro

 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed